Baarlamaanka Puntland oo maanta su’aalo weydiiyay masuuliyiinta Hay’addaha Amniga

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta su’aalo weydiiyay Wasiirka Amniga Puntland, Taliyayaasha Ciidanka Daraawiishta, Booliska iyo Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, kuwaas oo Golaha hortagay.

Kulanka oo laga saaray saxaafadda, ayaa ku bilowday warbixin Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan, uu Baarlamaanka ka siiyay xaalada guud ee Amniga Puntland, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.

Intaas kaddib, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Wasiirka iyo Taliyayaasha wax ka weydiiyay Amniga guud ee deegaanka, dagaaladii ka dhacay Boosaaso, weerarkii uu ku dhaawacmay nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, deegaannada maqan ee gobalka Sool, dhaqdhaqaaqa Somaliland ee gobalka Sanaag, iyo dadka u xiran falalka argagixiso ee ku jira xabsiyada Puntland.

Wasiir Gallan ayaa u sheegay Xildhibaanada Puntland in dagaalkii ka dhacay Boosaaso, ay dowladdu ay isku deyday inay ka baaqsato, balse uu noqday lama huraan. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Amniga Puntland uu kala qeybsan yahay, uusana heyn warbixin guud oo la xariira.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS