Baarlamaanka JFS oo meelmariyay Miisaaniyadda 2025

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Qoonadada Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2025.

172 Mudane, labo Xildhibaan ayaa diidday, halka uu ka aamusay hal Xildhibaan. Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah ee sanadka 2025 ayaa gaaraysa 𝟏,𝟑𝟓𝟗,𝟕𝟏𝟒,𝟑𝟐𝟖 dollar, iyadoo isugu jira dakhliga gudaha iyo deeqaha caalamiga ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada uga mahad celiyay ansixinta Miisaaniyadda oo ay maanta Mudanayaasha labada Aqal cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS