Wasaaraddaha Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay dhamaan wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasiirada Maaliyadda Dawlad Gobaleedyada ayaa lagu sheegay in Wasiirka Maaliyadda XFS uu dhinac maray dastuurka dalka iyo heshiisyadii afartii sano ee lasoo dhaafay ay ku wada shaqeynayeen Wasaaradda Maaliyadda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah.
Madaxa Barnaamijyada ee waaxda Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Ayuub Hudeyfi oo saxaafadda la wadaagay War-saxaafadeedka ayaa xusay in go’aankan uu yimid kaddib markii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu baalmaray heshiisyadii horey looga gaaray qeybsiga deeqaha dhaqaale ee ka imaanayay Beesha Caalamka.
“Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka, ayaa hareermaray heshiisyadii sannadihii lasoo dhaafay ku wada shaqeynayeen Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dawlad Gobaleed. Marka ilaa uu Wasiirku kusoo laabanayo fulinta heshiisyada ma jirayso wada-shaqeyn” ayuu yiri Ayuub Hudeyfi.
BOSASO ONLINEÂ