MUQDISHO (BOSASO ONLINE) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waraaqo digniin ah u diray Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen in uu dalka ku hoggaaminayo siyaasad gole ka fuul ah, iskuna koobay talladii dalka.
Xubnaha ayaa sheegay in dalku uu wajahayo khataro badan, oo u baahan in lagu wajaho talo loo dhan yahay iyo midnimo, balse taas bedelkeeda uu MW Xassan Shiikh si shakhsiyan ah isugu koobay. Talloobiyinka Madaxweynaha ayay xuseen in ay soo dadajisay fashilka dalkii argagixisada Alshabaab, ayna kooxdu dib u qabsatay deegaano geesiyaal Soomaaliyeed ku naf waayeen.
Hab-dhaqanka uu ku wajahayo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya, khilaafka DFS iyo Puntland, wax-ka-bedelka Dastuurka iyo boobka dhulka Muqdisho ayay sheegeen in aysan u wanaagsaneyn dalka, oo khataro badan dhexda ugu jira.
Hoose ka Akhriso dhambaalka Shariif Shiikh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakhuur Warsame.
BOSASO ONLINE