Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo la faray inuu shaqadooda u fasaxo shaqaale uu ceyriyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka horyimid isbedel lagu sameeyay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS.

Waraaq kasoo baxday Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa lagu wargeliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS, in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiir Cabdi-siciid Muuse in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS