Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cabdi-siciid Muuse Cali, kaddib waraaq kasoo baxday maanta xafiiskiisa.
Wasiir Cabdi-siciid ayaa lagu eedeeyay in uu fasaxay Markab sida dhuxul si sharci-darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya, kaas oo ku xiran xeebaha dalka Cumaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale baabi’iyay waraaqda lagu fasaxay markabkaas.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Hanti-dhowrka Qaranka in baaris lagu sameeyo kiiska sii deynta Markabka dhuxusha, sidoo kalena ay u gudbiyaan Hay’addaha Garsoorka.
BOSASO ONLINEÂ