Akhriso: Puntland oo diiday in DFS oo kali ah bixiso shatiga Kalluumeysiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ka hortimid go’aan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xariirka in iyadu tahay cidda kali ah ee bixin karta shatiga Kalluumeysiga xeebaha dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid hareermarsan Dastuurka KMG ah ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo kan Puntland, sidoo kalena uu jebinayo heshiisyadii horey u dhexmaray DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah ee la xariiray arrimaha kheyraadka dalka.

Go’aan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan la qaatay safiirada dalalka shisheeye ee ku sugan Muqdisho, uu u sheegay in Dawladda Federaalku tahay cidda kali ah ee bixin karta shatiga Kalluumeysiga Badda, ciddii aan ka qaadana aysan ka Kalluumeysan karin.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS