Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa beenisay wararka sheegaya in hakad uu ku yimid duulimaadyada diyaaradaha ee ka dega garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaddib digniintii ciidamada PSF ay u direen shirkaddaha diyaaradaha ee adeegsada garoonka Boosaaso.
Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa lagu sheegay in maanta garoonka ay ka dageen diyaarado ka yimid Imaaraatka Carabta, kuwaas u gudbay Muqdisho.
“Waxaan xaqiijinaynaa in amniga garoonka Boosaaso uu yahay mid sugan, diyaaraduhuna khadkoodi (route) iyo howlahodi shaqo ay si caadi ah u si wataan, Isla markaan wararka laga baahiyay garoonka ay yihiin kuwa been-abuur ah” ayaa lagu yiri waraaq kasoo baxday Wasaaradda Duulista Hawada Puntland.
Qaar kamid ah saxaafadda maxaliga ah ee Puntland ayaa maanta baahiyay in uu hakad ku jiro garoonka diyaaradaha Boosaaso, ayna Hay’adda Duulista Rayidka ah ee DFS Amar ku siisay shirkaddaha diyaaradaha ee Daallo iyo Ethiopian Airlines in aysan tagi karin garoonka, maadama aan amni ahaan la isku haleyn karin.
BOSASO ONLINE