Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay labo Garsoore, kuwaas oo dhameystir u noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.
Wareegto kasoo baxay Guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayuu ku magacaabay xubnaha oo kala ah:
1. Garsoore Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Soomaali)
2. Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuun)
Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa muhiim u ah arrimaha doorashooyinka Golaha Deegaanka Puntland, waxaana Ururrada siyaasadda Puntland ay dhowaan kusoo dareen shuruudaha ay ku xireen ka qeybgalka doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka.
BOSASO ONLINEÂ