Akhriso: Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay 546 maxbuus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiista dambiyada fudud ee ku jira xabsiyada Somaliland, munaasabadda Ciidul-Adxaa awgeed.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay 546 maxbuus, oo kamid ah maxaabiista loo heysto dambiyada fudud.

Hoos ka Akhriso wareegtada Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS