Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
2. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.
3. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
BOSASO ONLINEÂ