Guddoomiyaha gobalka Haylaan, Maxamed Faarax Aadan ayaa ku eedeeyay Ciidanka PMPF Puntland inay ku xad-gudbeen soohdinta gobalka, ayna deegaanno kamid ah Haylaan oo ay ka sameeyeen biyo-dhaamin ku sheegeen inay ka tirsan yihiin gobalka Karkaar.
Waraaq kasoo baxday Guddoomiye Maxamed Faarax ayuu ugu baaqay maamulka Ciidanka PMPF Puntland inay ka waantoobaan in deegaannada gobalka Haylaan, ay ku tilmaamaan inay ka tirsan yihiin gobalo kale, isagoo xusay inay ka sugayaan jawaab.
BOSASO ONLINE