Akhriso: Hanti-dhowrka Guud ee DFS oo soo gaba-gabeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen baaristii ay ku wadeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS, ee la xariirtay sii deynta Markab sida dhuxul oo ku xayiran xeebaha dalka Cumaan.

Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay macluumaadka kasoo baxay baaristii ay sameeyeen ay u gudbiyeen Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, si loo dhameystiro baarista kiiskan, oo uu horey gal ugu furay.

Sidoo kale, Hanti-dhowrka Guud ayaa xusay in macluumaadka baarista ay la wadaageen Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu khuseeyo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa waraaq uu soo saaray 24kii bishii May, ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali, sii deynta Markabka sida dhuxusha, isagoo amray Hanti-dhowrka Guud in baaris lagu sameeyo Wasiirka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda, loona gudbiyo Hay’addaha Garsoorka.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS