Akhriso: DFS oo sheegtay in ay la socoto doorashada Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa boggaadisay doorashada qof iyo codka ah ee berri ka dhacaysa deegaanada Somaliland, taas oo shacabka Somaliland kusoo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, ayna ku kala dooran doonaan 10 Urur siyaasadeed oo doonaya in ay noqdaan Xisbiyada Siyaasadda Somaliland.

Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa lagu sheegay in doorashada Somaliland ay astaan u tahay dowlad dhiska Soomaaliya.

“Doorashooyinka maamulka Somaliland waxay ahmiyad gooni ah u leedahay Dowlad Wanaagga iyo geeddi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya” – Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Somaliland ayaa in kabadan 30 kahor ku dhawaaqday inay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliland, waxaana deegaanadeeda ay ka hirgelisay nidaam dowladeed oo horumarsan, iyadoo Golayaasha deegaanka degmooyinka, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay soo doortaan shacabka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa intaa ku dartay in ay si dhow ula socoto doorashada Somaliland, iyadoo ugu baaqday shacabka Somaliland ilaalinta xasiloonidooda.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS