Akhriso: Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya khilaafka Deni & Karaash

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay Ajandaha rasmiga ah ee uu ku shaqeyn doono Goluhu Kalfadhigga 50-aad, oo uu 15 bishan June, furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ajandaha oo ka kooban 17 qodob, ayaa waxaa kamid ah “Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland”, kaas oo soo laab-laabtay. kusoo darista qodobkan ayaana kusoo aadaysa xilli aan weli la xalin khilaafka bilo jirsaday ee ka dhex taagan Siciid Deni iyo Axmed Karaash.

Sidoo kale, Ajandaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo daray qodobo ay kamid yihiin la-xisaabtanka Xukuumadda, heshiisyada Dekedda Boosaaso, garoomada diyaaradaha iyo maxjarada Puntland iyo ka doodista xaalufka xeebaha Puntland iyo dhoofinta dhirta.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS