Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Maax Gabobe oo uu Waheeliyo Agaasimaha Garoonka Gen Mohamed Abshir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsaan Wasaaradda ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Ardey dhigata Macadka ”Puntland Aviation College” oo mid lagu barto Cilmiga Diyaaradaha iyo Hawl-gaalka Garoomada.
Ardeydan iyo Macalimiinta Macadka intii ay ku sugnayeen Garoonka ayaa waxaa kormeer ahaan loo geeyay qaybaha uu ka kooban yahay Garoonka Diyaaradaha Garoowe, Sida looga shaqeeyo Garoomada iyo loo kala haago diyaaradaha sida joogta ah u yimaado Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Maax Axmed Yuusuf ayaa ku booriyey in ay horumariyaan dhalinyaaradan baraneysa Cilmiga Diyaaradaha ”Aviation” kaana fa’iideystaan, lana shaqayn doonan ka Wasaaradd ahaan in aan idinla shaqeyno.
”Wax kasto aqoontiina kabaya ama kor u qaadaya diyaar ban idinla nahay farxad bayna noo tahay waxaadna tihiin dadka ka shaqeyn lahaa Horumaarinta Aviation Puntland..” Agaasime Maax Axmed Yuusuf.
Macadkan Puntland Aviation College oo dhawaan laga hirgaaliyey Caasimada Puntland ee Garoowe waa dufcadii 1-aad ee la filaayo in uu soo saaro Macadkan oo wax badan ka badaali doona in la helo Ardey Aqoon u leh cilmiga Aviation madama Puntland ay leedahay Garoomo diyaarado Caalami ah.
BOSASO ONLINE