Waxaa Caawa magaalada Bosaso gurigiisa lagu weerayey Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasada Wasaarada Waxbarashada Puntland, Mr. Mohamed Ahmed Warsame (Shirdon) iyadoo kooxda Argagasida Alshabaab ay sheegatay weererka Agaasimaha.
Weerarkan Alshabaab ku qaaday guriga Agaasimaha waxaa dhaawac culus ka soo gaaray Xaaska Agaasimaha Marwo Hani Ahmed Hussein oo lugta/ bawdada labo xabo uga dhaceen taas oo loola cararay cusbitaalka Guud ee Magalada Bosaso.
Waxaa wararku aan ka helayno Cusbitaalka Guud ee Bosaso intaa ku darayaan in dhaawac fudud uu soo gaaray Agaasime Mohamed Ahmed Warsame.
Weerada masuuliyiinta dawlada ayaa kusoo badanaya Magalada Bosaso kaas oo fulinayaan kooxaha Al shabaab iyo daacish ee Gobolka Bari
BOSASO ONLINEÂ