Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo ka qabsoomaya xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Kulanka wadajirka ah ee labada Gole ayaa looga hadlayaa ‘Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022’.
Farriin loo diray Xildhibaanada labada Gole ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka oo furmaya 9:00 Subaxnimo.
Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu wadaa inuu hortago kulanka Golaha, si su’aalo looga weydiiyo hannaanka diyaarinta miisaaniyadda dalka ee sannadkan 2022.
BOSASO ONLINEÂ