Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal, Cabdiqani Maxamed Nuur ayaa maanta dhaariyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka marwo Layla Cabdi Cartan iyo Xassan Cabdi Cilmi, oo ah xubin ka mid ah guddoonka sare ee garsoorka Puntland.
Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Madaxtooyada Garoowe, ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
BOSASO ONLINE