Madaxweynaha Puntland oo dhambaal u diray Dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Jabuuti ugu hambalyeeyay munaasabadda 27-kaJune oo ay u dabaal degayaan sannad guurada 45-aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen 27 June 1977.

“Waxaan hambalyo u diraya Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, munaasabadda 27-ka June oo ay u dabaaldegayaan sanadguuradii 45-aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti horumar wanaagsan, iyo Barwaaqo.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS