Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay Ansixinta Ra’iisul Wasaare Xamze

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay ansixinta Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre.

War kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa ku sheegay inuu rajeynayo in uu kala shaqeeyo hormarinta Soomaaliya.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu soo dhaweynayaa ansaxinta baarlamaanka ee Ra’isal-wasaaraha cusub, Xamza Cabdi Barre, waxa uu a si weyn ugu raja weyn yahay in uu la shaqeyo si loo horumariyo hortabinnada qaranka ee Soomaaliya” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud u qaabilsan Soomaaliya.

220 kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa shalay ansixiyay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS