Sawirro: Shir looga hadlayay Amniga Guud ee Puntland oo ka dhacay Garoowe

Shir looga hadlayay xaalada guud ee Amniga goballada Puntland ayaa maanta ka dhacay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaas oo uu shir-guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, S/Guuto Maxamed Cali Xaashi.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen Taliye kuxigeenka Booliska Puntland, hoggaanada Ciidanka Booliska iyo Taliyayaasha qeybta Booliska goballada Puntland, ayaa diirada lagu saaray dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga iyo xoojinta wada shaqeynta Booliska iyo bulshada.

Hoggaanada Ciidanka Booliska iyo Taliyayaasha Qeybaa Booliska goballada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag, Karkaar, Cayn iyo Gardafuu ayaa warbixino ku aadan shaqooyinka socda looga dhageystay Shirka.

S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha Booliska Puntland ayaa hoggaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta amniga deegaannada Puntland, isagoo kula dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loo helo deegaan nabdoon.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS