Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu weli diyaar u yahay wada-hadal uu la galo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland “WADDANI & UCID”.
Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-June, oo xalay lagu qabtay Madaxtooyada Hargeysa, ayaa xusay inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, uuna wada-hadal diyaar u yahay.
“Xilka nabadda, dulqaadka, dhageysiga iyo dabacu dowladda yuu saaran yahay, Madaxweynuhu saaran yahay anana waan ogol-nahay.”
Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.
“Dadweynaha mid baan leeyahay, waxaas sawaxan baxaya eed idaacadda ka dhageysataan ee siyaasadda la isku qeylinayee, la buuqayo colaad ha moodina, war imisa shalay wax diidanaa, imisa kala xisbi ahaa ayun baa haddana aroortii laabta isa saara.”
BOSASO ONLINE