Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamze oo helay codka kalsoonida ah ee BJFS

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre.

220 Xildhibaan oo soo xaadiray kulanka, ayaa cod gacan taag ku meel-mariyay Ra’iisul Wasaare Xamze Barre. Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamze Barre ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo ballanqaaday in uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS