Puntland: Ciidammo beeleed xirtay wadada xariirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo

Gaadiid fara-badan ayaa maanta ku xaniban kantaroolka degmadda Burtinle ee gobalka Nugaal, kaddib markii ay kantaroolka qabsadeen Ciidan beeleed, kuwaas oo hakiyay isu socodka gaadiidka.

Ciidan beeleedka qabsaday kantaroolka Burtinle, oo kamid ah kastanyada waa weyn ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa ka yimid gobalka Mudug, iyagoo kantaroolka kala wareegay Ciidammo kamid ah Booliska Puntland aroornimadii saaka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidan beeleedkan ay cabasho ka qabaan Xukuumadda Puntland, taas oo la xariirta in aysan weli xal ka gaarin dhaawicii Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad kasoo gaaray is rasaaseyn dhexmartay Booliska gobalka Mudug iyo Ciidan ilaalo u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cabdisiciid Muuse Cali, bishii April.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u saaray baarista dhacdadan, kuwaas oo warbixin ay ka diyaariyeen dib ugu celiyay Madaxweyne kuxigeenka, balse Dowladda ayaa ka gaabsatay shaacinta warbixintaas.

Darawalada gaadiidka xamuulka qaada ee xaniban oo ka badan 50, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay xaliso xaalada ka taagan kantaroolka degmadda Burtinle, loona furo gaadiidleyda, maadama ay yihiin canshuur bixiyayaal.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Puntland oo la xariira xirnaanshaha wadada halbowlaha u ah isu socodka gaadiida, ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, waxaana guul-dareystay dadaalo ay wadeen waxgaradka oo lagu qaadayay Ciidammo beeleedkan.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS