Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland S/Guuto Bile Faarax Cali iyo adeegaya.Taliye kuxigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed Gantaal.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa arbacadii kulan la qaatay saraakiisha sarre ee Ciidanka Asluubta Puntland, isagoo kala hadlay xaalada xabsiyada Puntland iyo maxaabiista ku jira.
Qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa walaac ka muujiyay xaalada xabsiyada Puntland, iyagoo ku eedeeyay Taliyaha iyo kuxigeenkiisa inay horseedeen inay meesha ka baxaan mashaariicdii hormarinta Ciidanka Asluubta iyo musuq-maasuq baahsan, kaas oo sababi kara inay albaabada xabsiyada ay ka baxaan dambiilayaasha ku jira.
Sidoo kale, Taliye Bile iyo kuxigeenkiisa Gantaal ayaa isku eedeeyay shirka uu Madaxweynuhu guddoominayay. Madaxweyne Deni ayaa weydiiyay labada Taliye sababta keentay gacan qaad dhowaan ku dhexmaray Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ee Garoowe.
Dood dheer kaddib, Madaxweynaha Puntland ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta.
BOSASO ONLINEÂ