Sawirro: Faransiiska oo kala hadlay Somaliland dardargelinta wada-hadalada DF Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Hargeysa Safiirka Dawladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Amb. Aline KUSTER-MENAGER iyo wefti ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay xariirka Somaliland iyo Faransiiska, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka oo u wehelinaayey Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud, uu kusoo dhamaaday Isfahan iyo wadashaqayn.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS