Musharrax Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Dani oo is Diiwaangeliyay ayaa qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Siciid Deni ayaa kamid noqonaya 35 Musharrax oo ay diiwaangeliyeen Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha DFS, kuwaas oo xaadiri doona hoolka Teendhada Afisiyoone, si ay uga qeybgalaan tartanka doorashada kursiga Villa Soomaaliya.
Sida ku cad jadwalka doorashada Madaxweynaha, Musharraxiinta ayaa berri oo arbaco ah bilaabi doona Hadal-jeedintooda ku aadan qorshayaashooda waxqabad, waxaana ay socon doonta ilaa khamiista. Sidoo kale Doorashada Madaxweynaha ayaa qabsoomaysa 15-May oo ku beegan axada soo socota.