Aqalka Sare oo Ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib-u-eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiga ee ka yimid Aqalka Sare oo lagu soo dhisay nidaanka 4.5 ee Soomaalidu wax ku qeybsato, ayaa kala ah:

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) – Galmudug

2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) – Jubbaland

3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Jubbaland

4. Senator Saalax Axmed Jaamac – Somaliland

5. Senator Xasan Xuseen Xaaji – Koonfur Galbeed

Senatorada laga soo doortay Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Hirshabeelle ayaa ka maqan xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, maadama ay ku matalayaan beel ahaan xubno ka socda Jubbaland iyo Galmudug.

BOSASO ONLUNE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS