Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, kaddib muddo khilaaf uu ka dhex taagnaa.
Kulanka ayaa looga hadlay xalinta khilaafka labada masuul, kaas oo salka ku haya xil ka qaadis iyo magacaabis uu sameeyay Axmed Karaash, intii Siciid Deni uu joogay Muqdisho tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS, bishii April.
Sarkaal kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay BosasoOnline, in kulan ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha Maxamed Dhabancad iyo Amniga Cabdisamad Gallan oo kamid ah xubnaha uu xilalka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Saciid Deni iyo Axmed Karaash ay isku afgarteen in la xaliyo khilaafkooda, oo saameeyay shaqooyinkii Dowladda, si loo dardargeliyo adeegyada loo hayo bulshada, loona soo afjaro xasilooni darada siyaasadeed ee Puntland. Sidoo kale, labada masuul ayaa go’aamiyay inay sii socdaan kulamadooda.
BOSASO ONLINEÂ