Koox hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee Somaliland Maxamed Af-lahaar.
Ragga dilka geystay oo aan la garaneyn heybtooda ayaa isaga baxsaday goobta. Laamaha Ammaanka Somaliland ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, iyagoo wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxda dilka geysatay.
Caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sannadihii u dambeeyay marti-gelinaysay dilal loo geysanayo haldoorka magaalada iyo masuuliyiinta Somaliland ee gobalka, kuwaas oo ay fulinayaan kooxo aan la garaneyn heybtooda.
BOSASO ONLINEÂ