Madaxweynihii hore ee DFS ahna Musharrax Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, oo is Diiwaangeliyay ayaa qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha, isagoo sheegay inuu rajeynayo in si wanaagsan ay kusoo dhamaato doorashada Madaxweynaha. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ummada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay fishaan wanaaga berri, iskana ilaawaan wixii shalay.