Dowladda Kenya ayaa shaacisay in horraanta bisha soo socota ee July ay Dowladda Federaalka Soomaaliya fasaxayso Qaadka ka yimaada dalka Kenya, ee loo yaqaan “Mirowga”, kaas oo kasoo go’a beeraha dalkaas.
Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya, oo sabtidii kumanaan shacab ah kula hadlayay garoonka Kinoru ee gobolka Meru, ayaa sheegay in labada Dowladood ay 5, bisha July, heshiis ku saxiixan doonaan magaalada Nairobi, kaas oo dib loogu fasaxayo Qaadka oo kamid ah ilaha dhaqaale ee Kenya.
“5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nayroobi. Kaliya waraabiya miraagiinna, diyaariya beerihiinna, suuq ayaa la helay”. ayuu yiri Munya ka farxiyay dadkii isugu soo baxay fagaaraha garoonka Kinoru.
Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga keeni jiray Kenya labo sano kahor (19-kii Maarso, 2020), iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha cudurka COVID-19. hakintan ayaa la sii dheereeyay kaddib markii uu khilaaf dublamaasiyadeed uu soo dhexgalay labada dal.
Peter Munya ayaa xusay in madax sare oo ka socota Soomaaliya ay dhowaan tageyso Nairobi, si ay u galaan heshiiskan, isagoo ka gaabsaday inuu sheego waxa ay Soomaaliya ku bedelanayso sii deynta qaadka Kenya.
Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ay suuqa qaadka Soomaaliya u furtay Itoobiya, iyadoo dalka uu imaanayay qaadka Itoobiya ee loo yaqaan “Hareeriga”. Kenya ayaa joojinta qaadka imaan jiray Soomaaliya ku weyday malaayiin dollar.
BOSASO ONLINE