Koox hubeysan oo dishay Taliyihii Booliska Qardho

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dishay magaaladaas Taliyihii saldhigga Booliska degmadda Qardho, Allaha u naxariistee Cumar Hiirad Kaatun.

Kooxda dishay Taliye Cumar Hiirad ayaa la sheegay inay ahaayeen cabtooy ka ganacsata maandooriyaha khamriga, iyagoo dilka kaddib ka baxsaday goobta.

Laamaha Amniga gobalka Karkaar ayaa wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxda dilka fulisay. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Booliska iyo maamulka gobalka Karkaar.

Booliska Puntland ayaa dagaal adag kula jira isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha khamriga iyo xashiiska, kaas oo dhibaatooyin badan ku haya deegaanka, Waxaana horey dagaalo ugu dhexmareen gudaha magaalooyinka waa weyn ee Puntland Ciidammada Amniga iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS