Joe Biden oo booqasho ku tagaya Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya bisha July ee soo socota dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Joe Biden ayaa kulan kula qaadan doono Riyadh Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdicaziiz iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salman, isagoo kala hadli doono Arrimaha Amniga iyo Tamarta, sida uu sheegay Aqalka cad ee Mareykanka.

Socdaalka Biden ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in uu soo dadajiyay duullaanka Ruushku uu ku qaaday Ukraine, kaas oo sababay Sara u kac xooggan oo ku yimid sicirka shidaalka dunida. Madaxweyne Joe Biden ayaana la filayaa inuu ku cadaadiyo hoggaamiyayaasha Boqortooyada kordhinta wax soo saarka shidaalka.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS