Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah uu furo Kalfadhigga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, sida uu qabo dastuurka Puntland.
Siciid Deni ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib socdaal maalmo qaatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qeybgalay caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Deni ayaa kahor jeedin doona Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, khudbad uu uga hadlayo xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Puntland, isagoo diirada saari doona arrimaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, oo kamid ah waxqabadyada ugu waa weyn Xukuumadda uu hoggaamiyo.
BOSASO ONLINEÂ