Dowladda Kenya ayaa ka cudur-daaratay Shirkii talaadadii ka dhacay Nairobi, kaas oo uu isaga baxay safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan, kaddib markii lagu soo dhex daray calanka Somaliland, sidoo kalena uu shirka soo fariistay wakiil ka socday Somaliland.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay qadarin u heyso qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay inay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa isaga baxay shir u dhexeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Dublamaasiyiinta dalalka caalamka u jooga Nairobi, kaddib markii ka qeybgalayaasha shirka lagu soo daray safiir la sheegay in uu Somaliland u joogo Nairobi.
BOSASO ONLINEÂ