Madaxweyne Deni iyo safiirka Mareykanka oo ka wada-hadlay labo arrimood

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka Madaxweyne Siciid Deni iyo safiirka dowladda Mareykanka looga hadlay arrimaha dalka, gaar ahaan Amniga iyo abaaraha dalka.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa dhowaan saxiixay xeer ogalaanaya in boqolaal kamid ah Ciidanka Mareykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaas oo ka taageeri doona Ciidanka Somaliland la-dagaallanka argagixisada.

Meelaha Ciidanka Mareykanku ka howlgalli doonaan ayaa waxaa kamid ah deegaannada Puntland, iyagoo dib u bilaabaya taageerada Ciidanka PSF Puntland, kuwaas oo ah unug ka shaqeeya la-dagaallanka argagixisada.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS