Sawirro: Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda Mareykanka oo booqasho ku timid Muqdisho

Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka, Victoria Nuland ayaa maanta booqasho ku timid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Victoria Nuland ayaa kulan la qaadatay Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ay ka wada-hadleen gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa yiri “Waxaan maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta saameeyeen”

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS