Wasiir Lugatoor “Garoonka diyaaradaha Boosaaso wuxuu lamid noqon Frankfurt & Amsterdam”

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland ay dulmaraan lixda line, ee ay isticmaalaan diyaaradaha dunida ugu badan.

Wasiir Lugatoor ayaa xusay in si gaar ah uu dulmaro Boosaaso, Line-ka ugu weyn oo loo yaqaan “Darot”, kaas oo ay isticmaalaan diyaarado fara-badan, isagoo intaas ku daray in mustaqbalka dhow garoonka diyaaradaha Boosaaso uu lamid noqon karo garoomada diyaaradaha magaalooyinka Frankfurt (Germany) iyo Amsterdam (Netherlands), oo ay diyaaraduhu rakaabka iyo cargo, ku kala wareejistaan.

“Boosaaso, waxaa dulmara lixda line ee diyaaradaha dunida ugu badan, waliba line-ka ugu weyn ee ‘Darot’ la yiraahdo, waxaa marka suuragal noqon doona inuu noqdo sida Frankfurt iyo Amsterdam, oo diyaaraduhu meelo kala duwan ka aadi doonaan.”

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo diyaariyay si casri ah, iyo in uu noqdo garoon Cargo, Waxaana uu intaas ku daray inay dowladdu wado mashaariic ka qeyb qaadanaysa hormarka garoonka, sida hirgelinta warshado kalluun oo tayo leh.

Boosaaso ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee Puntland, tan iyo aasaaskii maamulka (1998), Puntland ayaa hadda wado inay magaalada ka hirgeliso mashaariic hormarineed sida ballaarinta Dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo socota, koronto ballaaran oo qiimo ahaan hooseysa iyo biyo macaan.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS