Sawirro: Maxaa looga hadlayaa Shirka Wadatashiga Qaran maanta ?

Waxaa maalintii labaad ka soconaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Muqdisho Shirka Wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaalida, kaas oo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,

Shirka ayaa maanta looga hadlayaa xaaladda abaaraha dalka, iyadoo warbixin looga dhageystay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS