Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno kamid ah saaxiibada Madaxweynaha, Xasan Sheekh ayaa wada la-tashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan shaqsiga uu u magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha. Villa Soomaaliya ayaa tan iyo doorashadii Madaxweynaha qabanaysay CV-yada xubno doonaya hanashada kursigan, kuwaas oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarayaal hore, siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale oo doonaya inay hadda soo koraan salaanka siyaasadda.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo kamid ah Musharrixiintii looga adkaaday doorashadii 15 bishii May, iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas, ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u raadinaya kursiga Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo doorashadiisii ku mashquulsanaa magacaabis xubnaha sare ee Madaxtooyada iyo la-taliyayaashiisa, safaro uu ku tagay Baydhabo iyo Dhuusamareeb iyo abaabulka marti-gelinta caleema-saarkiisii, ayaa la sheegay in ilaa 15 bishan (June), oo ay bil u buuxsameyso xukunkiisa kusoo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha.
BOSASO ONLINE