Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo uu Shir-guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Abaaraha dalka ka jira iyo la-dagaallanka Argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta DFS.

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, oo ku sugan Muqdisho aya ka qeybgalaya Shirka. Lamana oga xilliga rasmiga ah ee uu socon doono.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS