Cumar Cali Xasan, iyo aabbihiis oo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Hadyad Geel ah siiyay Garsoore Frank Caprio, oo ah Garsoore Mareykan ah oo ku caan baxay caawinta iyo u dhimrinta dadka kasoo muuqda Maxkamadda uu garsooraheedda yahay.
Frank Caprio ayaa caan ka ah baraha bulshada, waxaana kiisaska uu dacwadooda qaadayo si joogto ah loogu baahiyaa baraha bulshada, iyadoo muuqaalladiisu soo jiiteen bulshada kunool dunida.
Cumar iyo aabbihiis Cali Xasan ayaa kasoo muuqday muuqaal uu baahiyay Frank, oo ay ku sheegeen inay u hadyadeeyeen 3 neef oo Geel ah, kaddib markii ay la dhaceen qaabka uu u caawiyo dadka lasoo taago Maxkamadda uu garsooraha ka yahay, ayna kamid yihiin soo waalidiin, iyo dadka soo galootiga ah.
Garsoore Frank Caprio ayaa ka guddoomay qoyskan Soomaalida ah Geela ay u hadyeeyeen, isagoo dalbaday in uu wakiil dhankiisa ka socda u soo diri doono, uuna doonayo in lagu sii wareejiyo danyar Soomaali ah.
BOSASO ONLINEÂ