Maxkamadda gobalka Baay ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xasan Maxamed, oo maalmo kahor si arxan-darro ah ugu dilay magaalada Baydhabo marxuumad Aamina Maxamuud oo kamid ah ganacsatada Baydhabo.
Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay fagaare ku yaalla duleedka Baydhabo, kaas oo ay u soo daawasho tageen boqolaal kamid ah bulshada magaalada.
Maxamed Goomeey ayaa marxuumad Aamina Maxamuud dilay kaddib markii uu ugu yeeray gurigiisa, uuna u sheegay inuu ku wareejin doono, maadama uusan bixin karin lacagta ay ku leedahay. Balse uu dilay, kaddibna uu ku riday boosaneerka suuli.
Dhacdadan ayaa maalmahan si weyn looga hadal-hayay magaalada Baydhabo iyo baraha bulshada.
BOSASO ONLINEÂ