Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay sicirka adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2022, kaas oo ay ka dhigtay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar).
Waraaq kasoo baxday ayaa lagu sheegay in $3,250 dollar oo kamid ah lacagta ay tahay kharashaadka gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halka 1,500 oo kamid ah ay tahay Takidka diyaaradaha, waxaana 480 kamid ah loogu talagalay kharashaadka kale, sida adeegyada caafimaadka iyo shaqaalaha gudaha.
Soomaaliya ayaa ah dalka geeska Africa ee ugu qaalisan dhaqaalaha ku baxa xujeyda Soomaaliya, waxaana sannadkan xujeyda Soomaaliyeed ee aadaysa dhulka barakeysan ay gaarayaan 5,000 oo xujey.
BOSASO ONLINEÂ