Deni oo sheegay in Madaxweynaha cusub ee DFS uu u sameeyay ballan-qaad

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabduullahi Deni, ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu balan-qaad u sameeyay Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah DFS.

Wareysi uu siinayay wargeyska The Economist, ayuu Siciid Deni ku sheegay in Madaxwayne Xasan Sheekh uu u balanqaaday in uu xukunka la wadaagi doono, islamrkaana uu soo dhameystiri doono Dastuur cusub ee Federaalka ah.

“Waxa uu noo ballan-qaaday in uu xukunka nala wadaagi doono, isla mar kaasna uu soo dhameystiri doono Dastuur cusub oo Federaal ah. Waxay ahayd qudbad wanaagsan.”

Hoggaamiyaha Puntland ma uusan faahfaahin waxa uu ka wado xukun la wadaagista uu Madaxwaynaha cusub ee JFS u ballanqaaday, balse waxaa la aminsanayahay in ay tahay ka tashiga aayaha masiiriga ah ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee DFS ayaa saacado kooban kaddib, doorashadiisii 15-May kulan la qaatay Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo kala hadlay dardargelin wada shaqeynta DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Siciid Deni ayaa kamid ahaa musharrixiintii tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS, oo uu ku haray wareega 2-aad, kaddib markii 65-cod uu hoggaamiyay wareegii 1-aad ee doorashada. Waxa hadda uu dib ugu soo laabtay maalmo kahor caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib 42 berri oo uu ka maqnaa.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS