Mucaaradka Somaliland oo wada abaabulka bannaanbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan deegaanada Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, taas oo salka haysa khilaafka Madaxtooyada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah oo isku haya doorashada Madaxweynaha.

Doorashada ayaa loo madlan yahay 13 bisha November, ee sannadkan 2022. Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu qorsheynayo in uu sameysto muddo kororsi dibna loo dhigo doorashada, isagoo ku marmarsiyoonaya furista Ururrada siyaasadda Somaliland.

Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dib u dhaca doorashada Madaxweynaha Somaliland, waxaana ay wadaan abaabulka bannaan-baxyo waa weyn oo looga soo horjeedin muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Biixi, iyagoo u gudbiyay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland warqad ay ku wargelinayaan xukuumadda qabsoomida bannaan-baxa.

Shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayuu uga horyimid qabsoomida isku soo baxa ay wadaan abaabulkiisa xisbiyada mucaaradka ah.

Dhanka kale, Weriyaheena Hargeysa ayaa soo sheegaya in Ciidanka Somaliland ay ka bilaabeen qaar kamid ah xaafaddaha magaalada Hargeysa arruurinta “Taayarada Gaadiidka”, oo ay adeegsadaan dibad-baxayaashu, kuna gubaan waddooyinka iyo goobaha bannaan-baxu ka dhaco, si looga hortago inay isticmaalaan.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS