Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu shaqo joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waraaq kasoo baxday arbacadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu eedeeyay Wasiir Cabdisiciid Muuse Cali, sii deynta Markab sida dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya, kaas oo ku xayiran xeebaha dalka Cumaan, isagoo sidoo kale amray Hantidhowrka Guud ee Qaranka inay baaris ku sameeyaan Wasiirka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayna u gudbiyaan Hay’addaha Amniga.
Saraakiil ka socotay Xafiiska Hantidhowrka oo maanta la kulmay Wasiir Cabdisiciid Muuse Cali, ayaa su’aalo ka weydiiyay sababta keentay in uu waraaq fasaxa u qoro Markab sida dhuxusha, iyo arrimo kale.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, ku xaqiijiyay wareysiga ay la yeesheen xubnaha ka socday xafiiska Hantidhowrka, isagoo sheegay in uu sugi doono warbixinta ay soo saari doonaan.
“Maanta waxaan kulannay team ka socda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waxaan ka wadahadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaanna ka warsugaynaa wixii ka soo baxa.”
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale waraaqda uu soo saaray 24-May ku hakiyay sii deynta Markabka.
BOSASO ONLINEÂ