Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland, Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa ku eedeeyay odayaasha dhaqanka gobalka Mudug inay difaac u yihiin kooxaha ka ganacsada maandooriyaha khamrida oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada gobalka.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gaalkacyo, ayaa sheegay Guddoomiye Maxamuud Cabdinuur in kiisaska dilalka, dhaawacyada iyo rabshadaha wata ee ka dhaca Gaalkacyo ay saldhig u yihiin dad isticmaalay maandooriye.
“Waxaan garowsanahay in kiisaska ugu tirada badan ee dilalka ah ama dhaawacyada ah ama rabshadaha wata, oo ka dhaca degmadda Gaalkacyo inay saldhig u yihiin dad isticmaalay maandooriye. dhamaan dilalka hadda miiska saaran ee Maxkamaduhu xukumeen, Ciidankuna la tacaalayaan 90% waxay salka ku hayaan dad isticmaalay maandooriye.”
Sidoo klae, Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa xusay in marka Hay’addaha Amnigu ay qabtaan dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo gaadiidka ay ku wadaan, ay jiraan odayaal daba-jooga oo u doodaya si loo sii daayo.
“Waxaa dhacda in qof isticmaalaya maandooriye ama lagu qabtay, gaarigii la qabtay iyo hubkii la qabtay inay odayaal beeleed daba socdaan oo ay u dacwoonayaan, arrintaas waxaan rabnaa inan uga nasteexeynayno, odayaasha waxaan ka codsanaynaa inay garab siiyaan Dowladda Puntland.”
Waxaa uu intaas ku daray in kooxda Al-Shabaab ay maalgaliso maandooriyaha la keeno magaalada Gaalkacyo, kaddib markii laga adkaaday shabakadaheedii dilalka ka geysan jiray magaalada, isagoo tilmaamay in taas ay muujinayso in qiime aad ugu hoosaya inta khamridu ka joogto dalalka dariska ah ee ay ku yaallaan warshadaha khamrida (Itoobiya), ay ka joogto Gaalkacyo.
“Waxaan ognahay in khamrada qiimaha ay Gaalkacyo ku taal ay 10 jibaar ka yar tahay, qiimaha ay ku taal dowladaha dariska nala ah, oo warshadihii khamridu ku yaallaan, arrintaas iskama aysan dhicin dad baa maalgaliya khamrada, dad baa dalka keena, waxayna u keenayaan in Amnigii khalkhal lagu galiyo, qiyamkii dadka in lagu baabi’iyo, in bulshada dhaqankeedii iyo akhlaaqiyaadkeedii lagula diriro”.
Ugu dambeyn, Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay xoojin doonaan howlgallada la-dagaallanka maandooriyaha, isagoo ugu baaqay shacabka inay garab siiyaan Ciidanka.
Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowaanahan marti-galinaysay fal-dambiyeedyo salka ku haya isticmaalka maandooriyaha, kuwaas oo uu ugu dambeeyay ‘Aabe labo carruur ah oo uu dhalay ku gowracay guri ku yaalla xaafadaha Israac ee Gaalkacyo, kaddib markii ku dhargay khamri”.
BOSASO ONLINE